Deegaamada Puntland waxaa sanadba sanadka ka dambeeya siweyn ugu sii kordhaya Maraakiibta iyo doomaha jariifka ah…

Deegaamada Puntland waxaa sanadba sanadka ka dambeeya siweyn ugu sii kordhaya Maraakiibta iyo doomaha jariifka ah ee laga lee yahay dalalka shisheeye.
Dhammaan jariif layaashaan ayaa shatiyo ka haysta DFS iyo xukuumadda Puntland, waxaana ay badda ugu jiraan ganacsato reer Puntland, siyaasiyiin iyo shaqsiyaad kale oo loo fududeeyey inay helaan shatiyadaasi.
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in jariifku noqday aaffo isla markaana ay jiraan maraakiib ay dowladdu siisay ruqsad oo aysan cidna kantaroolin ama dabagal ku samayn shaqadooda.
“Badda Puntland inteeda badan waa la jariifaa, waxaana ku jirta maraakiib jariif ah, xitaa kuwa dowladdu ruqsad siisay oo aan cidna kantaroolin baa ku jira iyo kuwa aan warba loo hay. Wararka markaan maqlo aan aad u naxo waxaa kamid ah in ay jiraan doonyo fara badan oo Yemen iyo Iraan ka yimaada oo jariifa, kuwaasi oo ay wakiilo ka yihiin dad reer Puntland ah” ayuu yiri Siciid Deni.




