Puntland oo shaacisay in Villa Somalia heshiis qarsoodi ah lagashay Alshabab.

19 June, 2025

Wasiirka warfaafinta xukuumadda Puntland oo warfidiyeenka kula hadlay Magaalada Garoowe ayaa sheegay in DFS oo ku…

Wasiirka warfaafinta xukuumadda Puntland oo warfidiyeenka kula hadlay Magaalada Garoowe ayaa sheegay in DFS oo ku fashilantay difaaca dalka ay heshiis hoose la gashay kooxda Alshabaab.

Wasiir Maxamuud Caydiid Dirir ayaa sheegay in heshiiskaan oo looga gollahaa in lagu joojiyo gulufka dagaal ee Alshabaab ku wajahaysay, xilka looga qaaday taliyihii hore ee hay’adda NISA Cabdullaahi Sanbalooshe.

“Villa Somalia waxay heshiis qarsoodi ah kula jirtaa mileeshiyaadka AS, si loo fuliyo heshiiskii labada dhinac waxaa xilkii laga qaaday Taliyihii Sirdoonka NISA Sanbalooshe, waxaana caqabad loo dhigay dagaalkii Macawisleey ee Gobolka Hiiraan, waxay sidaasi u samaynayaan in dagaalka Al-shabaab oo ay heshiis kula jiraan uu istaago” Sidaas waxaa yiri Maxamuud Caydiid Dirir.

Qaar kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka ayaa horay u sheegay inay jiraan shaqsiyaad katirsan golayaasha dowladda iyo saraakiisha ciidamada oo gacan saar laleh kooxda Alshabaab, taasi oo curyaamisay dagaalka lagu nabadaynayo dalka.