Guddoomiyaha gobolka Haylaan ee Puntland Maxamed Faarax Aadan oo ka hadlay musaanad ka dhacday Magaalada Dhahar…

Guddoomiyaha gobolka Haylaan ee Puntland Maxamed Faarax Aadan oo ka hadlay musaanad ka dhacday Magaalada Dhahar ayaa ka hadlay dhaqdhaaqayada ka dhanka ah Puntland iyo siyaasadda dowladda federalka ah ee Soomaaliya ka waddo gobolada Sanaag iyo Haylaan.
“Waxaa lagu yaqaan dadka reer Haylaan kuwii dhiigga u shabay oo lafdhabarta u ah Puntland, ma doonayno siyaasado meela kale laga soo maleegey inay saamayn nagu yeeshaan, Haylaan noqon mayso saldhig lagala dagaalamo Puntland”, Ayuu yiri gudoomiyaha gobolka Haylaan Maxamed Faarax Aadan.
Dhanka kalena, Guddoomiyaha ayaa sheegay inaysan aqbali doonin in siayasadda laga soo maleegey Muqdisho laga hirgelin karin gobolka Haylaan ayna tallaabo ka qaadi doonaan cidkasta oo waxyeelaynaysa ammaanka Puntland.
“Wiilasha halkaan jooga wiilashayadii weeye wadahadal ayaa noo socdo waana dhammaysan doonaa wax walba, laakiin siyaasadaha Xamar laga soo maleegay iyo siyaasado tahriib ah dalkaan ka shaqayn mayso waa caddaynaynaa”, Ayuu yiri markale guddoomiyaha gobolka Haylaan.



