Puntland oo shaacisay inay beddeshey khiddadii dagaalka Cal-miskaad.

Afhayeenka howlgalka Hillaac Gen. Maxamuud Maxamed Axmed (Faadhigo) ayaa shaaca ka qaaday in la beddeley hanaankii…

27 January, 2026

Afhayeenka howlgalka Hillaac Gen. Maxamuud Maxamed Axmed (Faadhigo) ayaa shaaca ka qaaday in la beddeley hanaankii iyo khiddadii dagaalka lagula jiro kooxda Daacish ee ka socda buuraleeyda Cal-miskaad ee gobolka Bari.

Gen. Maxamuud Faadhigo ayaa sheegay in la go’doomiyay kooxda Daacish ee dhuumalaysanaysa buuraha, islamarkaana la joojiyay dagaalkii ka fool ka fool ka ahaa ee la soo waday muddada hal ka sano.

“Ciidamadii hore ee dagaalka hal ka sano ku jiray waa la soo rogay, waxaana la geliyay guutada Afmeer oo baddeshay taatikadii dagaalka, maadaama wax yar ka hartay kooxdaas waa la go’doomiyay, muddo labo bilood ah ayay hadda socotaa go’doomintaas”, Ayuu yiri Gen, Faadhigo.