Puntland oo shaacisay inay bishii 1.8 Million oo dollar ku bixiso ciidanka SSC KHAATUMO.

9 June, 2025

Puntland ayaa markii ugu horraysay inaysan waxba iska bedelin miisaaniyaddii mushahar iyo taageero ee ciidanka deegaamada…

Puntland ayaa markii ugu horraysay inaysan waxba iska bedelin miisaaniyaddii mushahar iyo taageero ee ciidanka deegaamada SSC KHATUMO oo horay uga diiwaangashanaa Puntland iyo kuwii ka soo goostay Somaliland.

Xildhibaan Cabdiqani Dhaashane oo kamid ah golaha wakiilada Puntland ayaa jaaliyadda Soomaaliyeed ee Maraykanka u sheegay in Puntland ay tixgelinayso rabitaanka shacabka SSC KHATUMO, aysanna jarin mushaharkii ciidanka oo ay ku baxdo miisaaniyad dhan 1.8 Million oo dollar bishii.

“Miisaaniyadda dowladda Puntland ugu jirta ciidamada SSC-khaatumo intii hore Puntland uga tirsanayd iyo intii la qarameeyay ee ka soo baxay Somaliland, waa 1.8 milyan bil kasta si joogta ah bay uga baxdaa khasnadda dowladda”” ayuu yiri xildhibaan Cabdiqani Dhaashane oo ka tirsan guddiga Maaliyadda Baarlamaanka Puntland.”, Ayuu yiri Xildhibaan Dhaashane.