Puntland oo shaacisay inay difaaci doonto gobolka Sanaag.

7 July, 2025

Puntland ayaa markii ugu horraysay ka hadashay dhaqdhaqaaqyada siyasadeed iyo kuwa ciidan ee maalmihii la soo…

Puntland ayaa markii ugu horraysay ka hadashay dhaqdhaqaaqyada siyasadeed iyo kuwa ciidan ee maalmihii la soo dhaafay ka soo cusboonaaday ka bilowday deegaamo katirsan gobolada Sanaag iyo Haylaan.

Guddoomiyaha golaha wakiilada Puntland Cabdirisaaq Axmed Siciid oo deegaan doorashadiisu tahay gobolka Haylaan ayaa DFS ku eedeeyey inay dhaqdhaqaaqyo ciidan oo gurracan ka waddo gobolka Sanaag, wuxuuna xusay in Puntland ay sugi doonto ammaanka gobolka.

“Waa wax aan la aqbali karin faragelinta gurracan iyo qalalaasaha siyaasadeed ee ay DFS ka waddo gobolka Sanaag, waxaa naga go’an sugidda ammaanka guud ee gobolka oo ah Mas’uuliyad saaran dowladda Puntland”, Ayuu yiri guddoomiyaha golaha wakiilada Puntland Cabdirisaaq Axmed Siciid.

Saqdii dhexe ee xalay waxaa deegaanka Ceelbuh ee gobolka Sanaag ka baxay ciidamo uu hoggaaminayo guddoomiyihii hore ee barlamaanka Puntland Xildhibaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo abaabulayey shir lagu doonayo in gobolka Sanaag qayb ka noqdo dhismaha SSC KHAATUMO.