PUNTLAND oo shaacisay inay ka tashanayso Somalia.

13 April, 2026

Xukuumadda Puntland ayaa shaaca ka qaadday inay ka arrinsanayso xaaladda Siyaasadeed ee ay ku sugan tahay…

Xukuumadda Puntland ayaa shaaca ka qaadday inay ka arrinsanayso xaaladda Siyaasadeed ee ay ku sugan tahay Somalia, xilli uu khilaaf ka taagan yahay nooca doorasho ee loo jahaysano bilaha soo aaddan.

Wasiirka arrimaha gudaha Puntland Cabdi Xirsi Cali (Qarjab) oo la hadlayey bulshada degmada Burtinle ee gobolka Nugaal ayaa sheegay in DFS aysan waxba u qaban xilligaan Puntland ayna dibin-daabyo ku waddo sida uu hadalka u dhigay.

“Xaaladda Somalia meesha ay marayso horay ayaan uga diyaarsanayn waana isdifaaci jirney, dagaal ayaan galnay DFS wax ay na tarto iskadaaye iyadii ayaaba ciidamo nagu dhex beertay oo ka shaqaysay ammaanxuimida Puntland, marka meel aan waxba kaaga soo socon waxaan rabnaa inaan katashano”, Ayuu yiri Wasiir Cabdi Xirsi Cali Qarjab.