Xukuumadda Puntland ayaa markale ku celisey inuusan deegaamadeeda ka dhaqangeli doonin Visa-ha dal-kugalka ee ay Dowladda…

Xukuumadda Puntland ayaa markale ku celisey inuusan deegaamadeeda ka dhaqangeli doonin Visa-ha dal-kugalka ee ay Dowladda Federalka ah ee Somalia ku soo rogtey inay habka Online ku qaataan dadka wata aqoonsiyada shisheeye.
Wasiirka Wasaaradda Duuliska Hawada iyo Garoomada Puntland Cabdillaahi Bile Nuur ayaa sheegay in Puntland ay Visa-ha ku bixin doonto garoomadeeda aysanna hirgelin doonin amarka ka soo baxay dowladda federalka ah ee Soomaaliya.
“Anagu haddaan nahay Puntland waxaannu niri dadku Visa-ha waxay ku qaadanayaan On-arrival, marka ay garoomada yimaadaan arrintaa kalena mid jirta ma ahan waa mid dadka dusha laga saaray dowladda Soomaaliyeedna inay ka laabato ayaan filaaya”, Ayuu yiri Wasiirka wasaaradda Duuliska Hawada iyo Garoomada Puntland Cabdillaahi Bile Nuur.
Dhanka kalena, Wasiirka ayaa wax kama jiraan kutilmaamay war ka soo baxay wasiirka gaashaandhigga xukuumadda Somalia oo dhawaan sheegay in garoonka diyaaradaha Boosaaso ay ka duulaan diyaarado aysan haybtooda iyo waxa ay sidaan xog ka hayn dowladdu.



