Puntland ayaa markale ka hadashay dilkii Caaqil Cumar Cabdullaahi Cabdi, oo diyaaradaha dagaalka Maraykanku duqayn ku…

Puntland ayaa markale ka hadashay dilkii Caaqil Cumar Cabdullaahi Cabdi, oo diyaaradaha dagaalka Maraykanku duqayn ku dileen inta u dhexaysa degmooyinka Badhan iyo Ceelbuh ee gobolka Sanaag.
Xildhibaan Mursal Maxamuud Cabdi, oo katirsan barlamaanka Puntland deegaan doorashadiisuna tahay gobolka Sanaag ayaa sheegay in Puntland aysan ku qanacsanayn jawaabta uu Maraykanku ka bixiyey dilkii Caaqilka.
Waxa uu sheegay in Maraykanku sheegay in isagoo kaashanaya dowladdii Soomaaliyeed ee dalka Mas’uulka ka ahayd uu duqayn ku diley shaqsi katirsan Alshabaab uusanse carrabaabin magiciisa iyo inuu ahaa Caaqil Cumar Cabdullaahi Cabdi.
“Hay’adihii Puntland ee ammaanka ku shaqada lahaa ilaa heer Madaxtooyo waxay caddeeyeen inuusan jirin wax dembi ah oo (Caaqilka) Puntland ka yaalley, dowladda Maraykanku waxay si cad u sheegtay inay hawshaasi la kaashatay dowladda Soomaaliyeed ee umaddaan Mas’uulka ka ah, ka xillidhibaano ahaanna kuma qanacsanin jawaabaha ka soo baxay dowladda Puntland waxay dalbatay in faahfaahin laga helo”, Ayuu yiri Xildhibaan Mursal Maxamuud Cabdi.



