Puntland oo shaacisay inaysan SSC KHATUMO weli ka bixin dhulka Puntland.

4 June, 2025

Xukuumadda Puntland ayaa sheegtay in deegaamada maamulka SSC KHATUMO ay dastuur ahaan weli kamid yihiin Puntland…

Xukuumadda Puntland ayaa sheegtay in deegaamada maamulka SSC KHATUMO ay dastuur ahaan weli kamid yihiin Puntland isla markaana uusan weli dhicin shirweyne lamid ah midkii 1998 ee ay dadka deegaankaasi wax kaga aasaasteen Puntland.

Wasiirka wasaaradda warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir ayaa sheegay in deegaamada SSC ay kamid yihiin dhulka Puntland, islamarkaana aysan jirin meel ay kaga baxeen aanna weli lakala guran sida uu hadalka u dhigay.

“SSC dastuuriyan waa dhul ka tirsan Puntland meel ay kaga baxday ma jirto. Puntland markii la dhisayay heshiis bulsho ayaa lagu dhisay, waana inta ku qoran dastuurka oo ka kooban dhammaan gobollada Puntland marka ma jirto meel lagu kala baxay dastuurkiina lama furin”, Ayuu yiri Wasiir Maxamuud Caydiid Dirir.

Dowladda federalka ah ee Soomaaliya ayaa dhawaan SSC KHATUMO u aqoonsatay maamul goboleed buuxa oo qayb ka ah dowladaha xubnaha ka ah DFS, iyadoo sheegtay inay heli doonaan dadka deegaankaasi xuquuq lamid ah maamulada kale.