Dowladda Puntland ayaa tallaabo sharci darro ah oo aan wax saamayn ah ku yeelan doonin ku…

Dowladda Puntland ayaa tallaabo sharci darro ah oo aan wax saamayn ah ku yeelan doonin ku sheegtay tallaabadii golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya ku joojiyeen dhammaan heshiisyadii ay hore u wada galeen Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta.
Puntland ayaa qoraal ka soo baxay ku sheegtay inay iyadu leedahay mas’uuliyadda ilaalinta, laalista iyo wax ka baddelka heshiisyada amni iyo horumarineed ee ay kula jirto shirkadaha iyo dowladaha shisheeye ee ka howlgala deegaannadeeda.
Ugu dambayntiina Puntland ayaa xustay in heshiiyadaas qaar ka mid ah ay gacan ka gaystaan la dagaalanka kooxaha argagixisada ah ee Daacish & Al-shabaab iyo ilaalinta ammaanka biyaha caalamiga ah.




