Puntland oo shaacisay macluumaadka deegaamada laga xoreeyey Daacish.

18 June, 2025

Dowladda Puntland ayaa warbixin qoraal ah oo ay soo saartay ku shaacisay in ciidanka difaaca ee…

Dowladda Puntland ayaa warbixin qoraal ah oo ay soo saartay ku shaacisay in ciidanka difaaca ee kujira hawlgalka Hillaac ay si buuxda ula wareegeen buuraleeyda Cal-miskaad.

Xafiiska hawlgalka Hillaac ee Cal-miskaad ayaa jaantus uu soo saaray ku qeexay dhammaan degaannada laga xoreeyay Argagixisadii Daacish laga soo bilaabo wejigii kowaad ilaa wejigii saddexaad ee Hawlgalka Calmiskaad.

Hawlgalkaan oo ka soo bilowday deegaanka Dharjaale ee Uur-caleed ilaa togga Miraale oo uu ku geba-geboobay wejigii saddexaad ayaa lagu sifeeyey Masaafo dhan 420KM, sida lagu xaqiijiyey jaantuska.

Xukuumadda Puntland ayaa sheegtay in 98% la xoreeyay dhulkii argagixisadu haysatay ee Calmiskaad, islamarkaana 2% harsan laga sifaynayo firxad kooban oo weli ku go’doonsan godad cayiman, godad kuyaalla Bariga durugsan.