Puntland oo shaacisay Markab 2aad oo taagan xeebaha degmada Bareeda.

21 July, 2025

Puntland ayaa muujisay shakiga ay ka qabto markab nooca xamuulka ah oo muddo labo cisho ah…

Puntland ayaa muujisay shakiga ay ka qabto markab nooca xamuulka ah oo muddo labo cisho ah taagan xeebaha degmada Bareed ee gobolka Raas-casayr, halkaas oo dhawaan laga soo qabtay Markabka Sea World.

Xildhibaan Cumar Maxamuud Axmed, oo katirsan golaha deegaanka degmada Bareeda ayaa sheegay inuu jiro markab labaad oo uu saaran yahay calankii saarnaa Sea World, kaasi oo laga shaki qabo inuu sido hub iyo gaadiid dagaal.

“Haddana markab kaleeto ayaa jira oo markabkaan ka dambeeyey oo laba cisho taagan meel Bareeda u jirta 15 Mayl, biyihii hore waa ka fogyahay waa isku nooc, badda ayaa kacsan waana loo diyaar garoobey in ilaa berri Jawaab laga bixiy”, Ayuu yiri Xildhibaan Cumar.