Puntland oo shaacisay natiijada baaritaanka Meydka Laahoor.

19 March, 2025

Dowladda Puntland ayaa si rasmi ah faahfaahin uga bixisay saartay natiijada ka soo baxday baaritaan lagu…

Dowladda Puntland ayaa si rasmi ah faahfaahin uga bixisay saartay natiijada ka soo baxday baaritaan lagu sameeyay meydka maxbuus, Cabdiraxmaan Shirwac Siciid Laahoor, oo maalin kahor ku geeriyoodey saldhig gaar ah oo kuyaalla magaalada Boosaas.

Guddoomiyaha gobolka Bari ee Puntland, Cabdirisaaq Cali Siciid (Shaahdoon) oo warbaahinta u akhriyay natiijada ka soo baxday baaritaan uu sheegay in isbitaalka Bender Qaasim ee magaalada Boosaaso ku sameeyay meydka Laahoor lagana helay xanuuno uu muddo dheer la noolaa.

“Baaritaan ay ku sameeyeen dhaqaatiirta isbitaalka Bender Qaasim ee Boosaaso waxay caddeeyeen Laahoor in uu u dhintay xanuunnada kala ah; Wadnaha oo hawlgab noqday, beerka oo hawlgab noqday, kelyaha oo hawlgab noqday, sambabada iyo dhiig-kar”” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Bari oo warbaahinta u akhriyay nattiijada baaritaankii meydka Laahoor”, Ayuu yiri guddoomiye Laahoor.

Ugu dambayntiina guddoomiye Shaah-doon ayee beeniyey wararka sheegaya in maxbuus Laahoor xabsiga lagu dilay, wuxuuna xusay in haddii dowladdu dilayso ay si toos ah tiirka u geyn lahayd, maadaama uu horay dil toogasho ah ugu xukunnaa.