Puntland oo shaacisay sababaha loogu fashilmay joojinta jariifka badda.

30 June, 2025

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Cabdirisaaq Axmed Siciid ayaa maanta shir-guddoomiyey Fadhiga 11-aad ee Kalfadhiga 56-aad…

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Cabdirisaaq Axmed Siciid ayaa maanta shir-guddoomiyey Fadhiga 11-aad ee Kalfadhiga 56-aad ee Golaha Wakiillada dowladda Puntland.

Ajandaha fadhiga maanta wuxuu ahaa la xisaabtanka Xukuumadda, iyadoo Golaha hortageen masuuliyiinta 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗞𝗮𝗹𝗹𝘂𝘂𝗺𝗮𝘆𝘀𝗶𝗴𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗞𝗵𝗮𝘆𝗿𝗮𝗮𝗱𝗸𝗮 𝗕𝗮𝗱𝗱𝗮 iyo 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐡𝐚𝐪𝐚𝐝𝐝𝐚,𝐒𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐝𝐚 Dowladda Puntland.

Xildhibaanada ayaa madaxda wasaaradda kalluumaysiga Puntland wax ka waydiiyey jariifka badaha, lacagaha shaqsiyaadku ka qaataan doonyaha jariifka, mashaariic wasaaraddu maamusho iyo arrimo kale.