Puntland oo shaacisay shirkado la marsiiyey malaayiin dollar oo Daacish leedahay.

16 June, 2025

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa shaaciyey in kooxaha geysta falalka ammaan xumo ay adeegsadaan telefanada…

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa shaaciyey in kooxaha geysta falalka ammaan xumo ay adeegsadaan telefanada shirkadaha deegaanka, isagoo xusay in la helay xogta Sim-cards la marsiiyey malaayiin dollar oo Daacish leedahay.

“Qofkasta ayaa layska siiyey Sim-cards, markaan hadda Cal-miskaad tagnay waxyaabaha la yaabka leh ee aan waqtigeeda soo bandhigi doonno waxaa kamid ah Malaayiin Transaction Taleefano ay dhexmareen oo shirkadahaani leeyihiin oo dalka dibadda looga saaray loona diray Afrika iyo Asia”, Ayuu yiri Madaxweynaha PL Siciid Cabdullaahi Deni.

Dhanka kalena, Madaxweyne Deni ayaa ku dhaliilay shirkadaha isgaarsiinta inaysan qaadan doorkooda gudbinta xogaha macaamiisha ee dowladdu uga shakido falalka ammaan xumo.

“Haddaa tiraahdo xaalad ammaan baa jirtee telefanada dadka aan u baahanahay noo baara waxay ku leeyihiin maya waa ammaano, war taransakshinkaan yaad u dirtay aan ka warqabo wuxuu leeyahahy waa ammaano, war ammaanada wiilka yar aad u dhiibtay ee anigii Mas’uuliyadda dowladda hayey aanan garanayn maxay tahay, anago xoog ma rabno laakiin waa inaan wada shaqaynaa”, Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.