Puntland oo shaacisay tallaabada laga qaadayo maxaabiista Daacish.

19 January, 2026

Xukuumadda Puntland ayaa markii ugu horraysay ka hadashay tallaabada ay ka qaadi doonto maxaabiista ajaaniibta ah…

Xukuumadda Puntland ayaa markii ugu horraysay ka hadashay tallaabada ay ka qaadi doonto maxaabiista ajaaniibta ah ee ay qabatay muddii uu socdey dagaalka lagula jiro kooxda argagixisada ah ee Daacish.

Wasiirka warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir oo ay waraysi gaar ah la yeelatay Idaacadda BBC-da qaybteeda afka Soomaaliga ayaa sheegay in maxaabiistan loola dhaqmi doono siyaabaha ay ku dagaallameeyeen iyo mid walba waxa uu aaminsan yahay.

”Waxaa laga yeelayaa waxa dambiilayaasha laga yeeli jiray, iyagoo loo eegayo awooddiisa, keebaa askari kaliya ahaa, keebaa ahaa qof la soo khalday oo ka shallaayaya, keebaa mabaadii’ ahaan u aaminsanaa oo madax ahaa oo maamulayay”, Ayuu yiri Wasiir Maxamuud Caydiid Dirir.

Puntland ayaa soo bandhigtay in ka badan 50 maxaabiis ajaaniib ah oo lagu qabtay dagaaladii ka dhacay buuraleeyda Cal-miskaad iyo kuwa laga soo qabtay qaar kamid ah degmooyinka gobolka Bari muddadii uu socdey hawlgalka Hillaac.