Puntland oo shaacisay tirada ciidamada DFS ee ku sugan deegaankeeda.

25 January, 2026

Dowladda Puntland ayaa markii ugu horraysay ka hadashay tirada ciidamada mushaharka ka qaata dowladda federalka ah…

Dowladda Puntland ayaa markii ugu horraysay ka hadashay tirada ciidamada mushaharka ka qaata dowladda federalka ah ee Somalia, kuna sugan deegaamada Puntland.

Lataliyaha amniga Madaxweynaha Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab ayaa sheegay in 1,376 askari oo ku sugan deegaannadeeda Puntland ka mushaar qaataan Dowladda Federaalka, kuwaas oo loogu talagay in lagu carqaladeeyo amniga iyo jiritaanka Puntland.

Wasiir hore Qarjab ayaa sheegay in qayb ka mid ah ciidamadaas ay ka qaybqaataan sugidda amniga iyo la dagaalanka argagixisada, halka kuwana uu ku eedeeyay in ay caqabad ku yihiin nidaamka dowladnimada Puntland.

Ciidamada mushaharka ka qaata dowladda federalka ah ee Somalia ayaa ku kala sugan Magaalooyinka Garowe, Boosaaso, Xaafuun iyo Gaalkacyo, iyadoo DFS marar badan sheegtay inay kordhin doonto tiradooda.