Puntland oo shaacisay tirada Soomaalida lagu diley dagaalka Daacish.

3 April, 2025

Puntland ayaa markii ugu horraysay faahfaahin ka bixisay tirada Soomaalida lagu diley dagaalka dabar goynta kooxaha…

Puntland ayaa markii ugu horraysay faahfaahin ka bixisay tirada Soomaalida lagu diley dagaalka dabar goynta kooxaha nabaddiidka ah ee ku dhuumaalaysanaya Buuraleeyda Cal-miskaad ee gobolka Bari.

Lataliyaha Madaxweynaha Puntland ee arrimaha amniga Cabdi Xirsi Cali Qarjab ayaa shaaciyey in ciidanka difaaca Puntland ay buuraleeyda Cal-miskaad kula dagaalamayaan ajaaniib dalalkoodii ka soo cararay, ayna sida ugu dhaqsaha badan u soo afmeeri doonaan.

“Dhammaan dadka meesha ka dagaalamaya ee laysugu keenay waa ajaaniib safar u soo galay inay dhibaateeyaan umadda Soomaaliyeed ee reer Puntland, waana argagixiso adduunka laga baadi goobayo”, Ayuu yiri Qarjab.

Dhanka kalena, Qarjab ayaa sheegay in tirada Soomaalida lagu diley dagaalka Cal-miskaad ee gobolka Bari ay tahay laba ruux oo keliya, middaasina ay muujinayso in dalka ay ku soo duuleen ajaaniib nabaddiid ah.

“Dadka ilaa hadda lagu diley dagaalka dhammaan waa ajaaniib isugu jirta Carab iyo Afrikaan, ilaa hadda laba ruux oo keliya ayaa lagu diley wax Soomaali ah oo nimankaa ka dhinac dagaalamayey”