Xukuumadda Puntland ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in 1-da bisha 12aad ee sanadkaan 2026 uu…

Xukuumadda Puntland ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in 1-da bisha 12aad ee sanadkaan 2026 uu si rasmi ah u bilaaban doono tartanka 11aad ee kubadda cagta gobolada Puntland oo ay qabashadiisa ugu dambaysay 2025.
Wasiirka Wasaaradda dhalinyarada, ciyaaraha iyo dalxiiska Puntland Maxamuud Caydiid Dirir, oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Garoowe ayaa ugu baaqay dhammaan gobolada Puntland inay u diyaar garoobaan tartanka isla markaana qori tuurka la samayn doono bisha November ee sanadkaan.
Wasiirka oo ka gaabsaday inuu ku dhawaaqo goobta martigelinaysa tartanka sababo la xiriira loollanka Magaalooyinka Garoowe, Galkacyo iyo Boosaaso oo garoomo cagaaran leh ayaa xusay in gobolada Sool iyo Cayn ay tartanka qayb ka noqon doonaan.




