Puntland oo shacabka uga digtey dhagaraha naf lacaarinimo ee Daacish.

4 June, 2025

Muddo 24 saac gudahood ah, ciidamada geesiyaasha ee Difaaca Puntland ayaa horumar ballaaran ka sameeyay howlgallada…

Muddo 24 saac gudahood ah, ciidamada geesiyaasha ee Difaaca Puntland ayaa horumar ballaaran ka sameeyay howlgallada sifeynta ah ee ka socda buuraleyda Calmiskaad-Miiraale, halkaas oo kooxda argagixisada Daac1sh ku dhuumaaleysanayeen tan iyo markii laga xoreeyay saldhiggoodii ugu weynaa ee ku yaalay Miiraale.

Howlgalladan ayaa lagu xaqiijiyay in kooxo khawaariij ah oo firxad ah lagu beegsaday godad hoos ugu qodan buuraha u dhow deegaanka 𝐢𝐋, kuwaas oo ay si dhuumaaleysi ah ugu dhex jireen. Inta la xaqiijiyay, qaar kamid ah xubnaha kooxda ayaa bilaabay inay si iskood ah naftooda u haligaan oo 𝐢𝐬-𝐪𝐚𝐫𝐱𝐢𝐲𝐚𝐚𝐧, taasoo muujinaysa cabsi iyo jab weyn oo dagaal ( 𝐌𝐢𝐥𝐢𝐭𝐚𝐫𝐲 ) ahaan ku dhacay.

Ciidamada Cirka iyo Dhulka Puntland ayaa si wadajir ah u fulinaya weeraro qorsheysan oo lagu bartilmaameedsanayo goobo lagu tuhunsan yahay inay yihiin meelaha 𝐬𝐚𝐡𝐚𝐲𝐝𝐚, 𝐬𝐚𝐚𝐧𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐢𝐬𝐠𝐚𝐚𝐫𝐬𝐢𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐤𝐨𝐨𝐱𝐚𝐡𝐚𝐚𝐬𝐢 𝐤𝐮 𝐤𝐚𝐲𝐝𝐬𝐚𝐧 𝐣𝐢𝐫𝐞𝐞𝐧. Sida la xaqiijiyay, qaar kamid ah godadkii la beegsaday ayaa laga helay maydadka xubno argagixiso ah iyo raadad muujinaya in weerarka lagu jabiyay qorshahoodii sii firxadka ahaa.

Waxaa kaloo la xaqiijiyay in dhulka hoostiisa laga helay godad si xirfadaysan u qodnaa, kuwaas oo la rumeysan yahay inay ahayd goobaha ugu dambeya ee ay isku dayayeen inay ku badbaadaan.

Tallaabadan ayaa imaanaysa kadib markii ciidamada difaaca Puntland ay gacanta ku dhigeen saldhiggii ugu muhiimsanaa ee kooxda Daacish ku lahayd Miiraale, halkaas oo muddo toban sano ka badan ahayd xarun istiraatiiji ah. Ka saarista kooxdaasi Miiraale waxay albaab u furtay in la helo xog iyo raadad cusub oo lagu daba galo xubnaha firxadka ah.

Dhinaca kale, saraakiisha hoggaaminaysa howlgallada ayaa sheegay in ciidamada difaaca Puntland ay sii wadayaan sifeynta guud ee buuraleyda, isla markaana aysan jiri doonin meel ay argagixisadu kaga dhuuman karaan dhulka Puntland.

Shacabka Puntland ayaa loogu baaqay inay muujiyaan feejignaan, isla markaana la wadaagaan hay’adaha ammaanka xog kasta oo la xiriirta firxadka ama dhaq-dhaqaaqa kooxahan.