Puntland oo shacabka uga digtey inay ku dhex dhuuntaan firxadka Daacish.

Dowladda Puntland ayaa shacabka ka dalbatay inay ka digtoonaadaan firxadka malayshiyaadka Daacish oo doonaya inay isku…

11 August, 2025

Dowladda Puntland ayaa shacabka ka dalbatay inay ka digtoonaadaan firxadka malayshiyaadka Daacish oo doonaya inay isku dhex qariyaan bulshada kadib markii looga adkaaday dagaalkii tooska ahaa ee ka socdey Cal-miskaad.

War qoraal ah oo ka soo baxay Taliska Guude ee Ciidanka Booliska Puntland ayaa lagu sheegay inuu socdo hawlgal cir iyo dhul ah oo gebi ahaanba haraadigii argagixisada lagaga nadiifinayo Calmiskaad, iyadoo shacabka loogu yeeray inay ka digtoonaadaan inay ku soo dhex dhuuntaan.

“Ciidanka Amniga Puntland waxa uu bulshada Puntland iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ku wargelinayaa in hawlgalka sifeynta ee ka socda deegaanka Calmiskaad uu si habsami leh u socdo, iyadoo ciidamada Cirka iyo Dhulka si wadajir ah uga shaqeynayaan xaqiijinta amniga iyo ciribtirka kooxaha argagixisada, gaar ahaan haraadiga Argagixisada Daacish.”

“Hawlgalka ayaa maraya wejiyadii ugu dambeeyay, waxaana socda diyaargarow jihooyin cusub oo lagu xaqiijinayo in kooxaha firxadka ahi aysan helin meel ay ku dhuuntaan. Shacabka Puntland waxa laga codsanayaa in ay feejignaadaan, maadaama ay suurtagal tahay in firxadka argagixisadu isku dayaan in ay bulshada ku dhex dhuuntaan” ayuu u qornaa warsaxaafadeedka.