Puntland oo shacabka ugu yeertay soon iyo roob-doon.

11 April, 2025

Xukuumadda Puntland ayaa ku wargelisey dhammaan shacabka inay u diyaar garoobaan maalmo soon iyo roob-doon ah…

Xukuumadda Puntland ayaa ku wargelisey dhammaan shacabka inay u diyaar garoobaan maalmo soon iyo roob-doon ah si Alle looga baryo raxmaddiisa iyo ka bixitaanka xaaladda abaareed ee daba-dheeraatay.

Qoraal ka soo baxay wasaaradda caddaaladda iyo arrimaha diinta Puntland ayaa loogu yeeray shacabka inay Soomaan muddo saddex cisho ah oo ka bilaabanaysa 12-ka April, ayna maalinta Isniinta ka qayb galaan isu soo baxyo waaweyn oo roob-doon ah.

Qoraalka wasaaradda ayaa ku soo beegmaya xilli abaarta baahsani saamayn ku yeelatay baadkii iyo biyihii isla markaana deegaamada qaar laga soo sheegayo biyo la’aan aad u ballaaran.