Puntland oo shaqada ka joojisay guddoomiye iyo garsoore maxkamadeed.

1 January, 2026

Golaha sare ee garsoorka Puntland ayaa shaaciyey in shaqadii laga joojiyey guddoomiyihii Darajada Koowaad ee Gaalkacyo…

Golaha sare ee garsoorka Puntland ayaa shaaciyey in shaqadii laga joojiyey guddoomiyihii Darajada Koowaad ee Gaalkacyo iyo garsoore ka tirsan Maxkamadda Racfaanka Gobolka Mudug.

‎Go’aankan ayaa yimid kaddib baaritaan iyo hubin lagu sameeyay eedeymo iyo cabashooyin ay u soo gudbiyeen qaybaha kala duwan ee bulshada Magaalada Galkacyo iyo guud ahaan gobolka Mudug.

Go’aankaan ayaa ku soo aadaya xilli xubnaha Guddiga Sare ee Maamulka Garsoorka Dowladda Puntland soo afmeereen kormeer shaqo oo ay ku marayeen gobollada Nugaal, Bari, Karkaar iyo Mudug.

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa dhawaan ku dhawaaqay inuu tallaabo ka qaadi doono garsoorka Puntland marka la gaaro bisha labaad ee sanadka 2026.