Puntland oo shaqada ka joojisay Hay’ad wadashaqayn laleh Dowladda Somalia.

17 August, 2025

Xukuumadda Puntland ayaa guud ahaanba shaqooyinkii ay deegaamadeeda ka qaban jirtey ka joojisay Hay’adda lagu magacaabo…

Xukuumadda Puntland ayaa guud ahaanba shaqooyinkii ay deegaamadeeda ka qaban jirtey ka joojisay Hay’adda lagu magacaabo Horn of Africa Consultants Firm (HACOF) oo ka hawlgasha qaybo kamid ah geeska Africa.

Qoraal ka soo baxay wasaaradda qorshaynta Puntland ayaa lagu sheegay in kadib cabashoyin ay so gudbiyeen wasaaradda shaqada iyo Shaqaha Puntland iyo duqa degmada Carmo ay wasaaraddu hakisay shaqadii ay Hay’addu ka waddey Puntland.

Wasaaradda ayaa sheegay in Hay’addu ay ku xadgudubtay sharciyada NGO-yada Puntland iyo ururinta xog sharci darro ah oo jabinaysa xeerka tirakoobka Puntland, iyadoo Hantidhowrka guud ee Puntland laga dalbaday inuu baaritaan dhameystiran ku sameeyo eedeymaha loo jeediyay HACOF.

Horn of Africa Consultants Firm ayaa horay gudaha Puntland uga qabatay shaqooyin ay wakiil ugu ahayd DF iyo hayadda WFP, iyadoo xog ururin ka samaysay dadkii ka faa’iidaystey mashruucii Baxnaano.