Xukuumadda Puntland ayaa ka hadashay masaafada dhuleed ee Kooxda Daacish xilligaan kaga sugan tahay buuraleeyda Cal-miskaad…

Xukuumadda Puntland ayaa ka hadashay masaafada dhuleed ee Kooxda Daacish xilligaan kaga sugan tahay buuraleeyda Cal-miskaad ee gobolka Bari, gaar ahaan togagga Jacayl & Ina-ciddoole oo ay kula dagaalamayaan ciidamada Puntland.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Puntland oo xalay ka qaybgalay kulan lagu taageerayey hawlgalka Cal-miskaad ayaa sheegay in Daacish ay hadda ku soo ururtay dhul buuraleey ah oo aan ka badnayn 15KM, sida uu hadalka u dhigay.
Wasiir Maxamuud Caydiid, waxa uu xusay in hawlgalka la soo afmeeri doono kahor bisha Barakaysan ee Ramadan isla markaana ay ciidamadu la socdaan dhammaan dhaqdhaqaaqyada iyo goobaha ay xilligaan Daacish ku dhuumaalaysanayaan.
Saraakiisha ciidamada difaaca Puntland ee ku sugan Cal-miskaad ayaa shalay xusay inay wadaan sahamadii ugu dambeeyey ayna maalmaha soo socda gaari doonaan goobaha ku haray gacanta Daacish.