Puntland oo sheegtay in DFS & dalal kale dacaayadeeyeen dagaalka Daacish & taageerada Imaaraadka.

3 June, 2025

Xukuumadda Puntland ayaa eedaymo ujeedisey Madaxda ugu sarraysa dowladda federalka ah ee Soomaaliya iyo qaar kamid…

Xukuumadda Puntland ayaa eedaymo ujeedisey Madaxda ugu sarraysa dowladda federalka ah ee Soomaaliya iyo qaar kamid ah dalalka daneeya arrimaha siyaasadeed ee Soomaaliya.

Madaxweyne ku-xigeenka ahna ku-simaha Madaxweynaha dowladda Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor Gebiley oo ka hadlay shir ka qabsoomay Garoowe ayaa sheegay in DFS oo uu ku eedeeyey inay ku fashilantay waajibaadkeedii shaqo iyo dalal kale oo ka xun guulaha dagaalka Daacish ay been abuuro ka sameeyeen dowladda Imaaraadka Carabta.

“Dowladdii Soomaaliyeed oo fashilantay oo jecel in Puntland guul daraysato ayaa gacmo badan oo ay leedahay Puntland loo adeegsaday, xitaa waxaa la gaarey in dacaayaad laga sameeyo dagaalka ay Puntland kujirto iyadoo la leeyahay Suudaan ayaa laga weeraraa, raadaaraa Boosaaso lagu rakibay, war satalayd hadaan haysano nimankaasaan isaga cirib tiri lahayn”, Ayuu yiri Lugatoor.

Markale ayuu yiri,”Hadday dowlado badan dantooda ka arkeen Dowladda Imaaraadka oo saaxiib dhaw la ah Soomaaliya, waana dacaayad sidii Puntland looga eryi lahaa Imaaraadku gacanta uu siinayo”.