Puntland ayaa markale ku celisey in duulaan xooggan lagaga soo qaaday dalka iyo dibaddiisa, xilli ay…

Puntland ayaa markale ku celisey in duulaan xooggan lagaga soo qaaday dalka iyo dibaddiisa, xilli ay dagaal kula jirto kooxaha Daacish & Alshabaab ee ku dhuumaalaysanaya buuraleeyda durugsan.
Guddoomiyaha gobolka Nugaal Cabdiraxmaan Xaaji Abshir ayaa sheegay in Puntland duullaan dalka iyo dibaddiisa ah lagu soo qaaday haseyeeshee ay ka guulaystay cid kasta oo isku dayday inay waxyeellayso midnimadeeda.
“Dowladdu halgan badan ayey kujirtaa iyo dagaalo oo dal & dibadba waa laynakaga soo duuley, anaguna jilibkaan u aasnay horayna cidi inagama guulaysan haddana nagama guulaysan doonto”, Ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Nugaal.
Gudoomiyaha ayaa ugu baaqay dhammaan dadweynaha Puntland in ammaanka laga wada shaqeeyo,”Gabar iyo wiilba dalka idinkaa mas’uul ka ah amniga aynu ka wadashaqayno, wixii gudaha iyo dibadda inaga soo duulayba aan ka wadashaqayno.”



