Hay’adda Puntland u qaabilsan arrimaha HIV/AIDS-ka ayaa maanta shaacisay in 681 qof ay si joogto ah…

Hay’adda Puntland u qaabilsan arrimaha HIV/AIDS-ka ayaa maanta shaacisay in 681 qof ay si joogto ah u qaataan daawada HIV, kuwaas oo ku kala sugan lix xarumood oo Puntland ah. Xogtani waxay muujinaysaa baahida sii kordheysa ee adeegyo caafimaad oo joogto ah.
Gaalkacyo ayaa noqotay magaalada ugu badan ay ku nool yihiin dadka daawada qaata, iyadoo 225 qof laga diiwaangeliyey. Afartii sano ee la soo dhaafay ayay Gaalkacyo haysay kaalinta koowaad ee dadka la nool HIV iyo kuwa isbaaraba.
Hay’adda PAC ayaa sheegtay in dhaqaale xumo baahsan ay si weyn u saameysay howlaha ay hay’addu qabato, sida bixinta dawooyinka iyo baaritaanka. Hoos u dhaca dhaqaaluhu wuxuu wiiqay awooddii wacyigelinta iyo adeeg bixinta caafimaad.
Sidoo kale taageeradii loogu talogalay dadka noloshoodu adagtahay ee xanuunkan la nool ayaa gabaabsi noqotay. Tirooyinka rasmiga ah ayaa muujinaya sida magaalooyinka ugu kala badan yihiin Gaalkacyo 225, Garoowe 207, Boosaaso 176, Qardho 59, Baran 14.



