Puntland oo sheegtay in la soo afmeeray hawlgal ka dhacay deegaanka Laag ee gobolka Bari.

Ciidamada Difaaca Dowladda Puntland ayaa sheegay in la soo afmeeray hawlgal saacado qaatay oo ka dhacay…

21 July, 2026

Ciidamada Difaaca Dowladda Puntland ayaa sheegay in la soo afmeeray hawlgal saacado qaatay oo ka dhacay deegaanka Laag ee gobolka Bari, oo ay shalay ku dagaalameen ciidamo katirsan PSF iyo kuwa Daraawiishta Puntland.

War-saxaafadeedka ka soo baxay Puntland ayaa lagu sheegay in hawlgalkaasi lagu beegsaday malayshiyaad ku hawlanaa khalkhalgelin amni, taageerana ka helaya Madaxweynaha dowladda federalka ah ee Somalia, sida lagu sheegay warka ka soo baxay Puntland.

Puntland waxay sidoo kale sheegtay in ciidamada hawlgalka fuliyay ay gacanta ku dhigeen gawaari ciidan, hub noocyadiisa kala duwan iyo tiro maxaabiis ah oo aysan carrabaabin.

HOOS KA AKHRISO

Ciidamada Difaaca Dowladda Puntland ayaa sheegay inay si guul leh kusoo afjareen hawlgal amni oo saacado kooban qaatay, kaas oo ka dhacay deegaanka Laag ee gobolka Bari. Sida lagu sheegay war ka soo baxay Puntland, hawlgalka ayaa lala beegsaday maleeshiyaad lagu eedeeyay inay muddooyinkii u dambeeyay khal-khal amni ka wadeen deegaannada Puntland.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in maleeshiyaadkan ay dowladda Puntland ku eedeysay in abaabulkooda uu sal u yahay Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, isla markaana lagu sheegay in lagu doonayay in lagu waxyeelleeyo amniga, xasilloonida, wadajirka bulshada, dowladnimada iyo nabadda Puntland.

Puntland waxay sidoo kale sheegtay in ciidamada hawlgalka fuliyay ay gacanta ku dhigeen gawaari ciidan, hub noocyadiisa kala duwan iyo tiro maxaabiis ah. Waxa kale oo lagu sheegay in la baadi-goobayo xubno ka tirsan maleeshiyaadka oo goobta ka firxaday intii uu hawlgalku socday.