Puntland oo sheegtay in laga gudbey xilligii cabsi gelinta bulshada Boosaaso.

Laamaha ammaanka gobolka Bari ayaa shacabka ugu baaqay inay ka qayb qaataan dagaalka ciribtirka kooxaha nabaddiidka…

24 November, 2025

Laamaha ammaanka gobolka Bari ayaa shacabka ugu baaqay inay ka qayb qaataan dagaalka ciribtirka kooxaha nabaddiidka ah, ciidamadana ku garab istaagaan soo afmeeridda firxadka Daacish.

Taliyaha qaybta booliska gobolka Bari Gaashaanle Sare Cabdulqaadir Jaamac Dirir oo warbaahinta kula hadlay gudaha Magaalada Boosaaso ayaa sheegay in hawlgalka Hillaac guul weyn laga gaarey uuna hadda marayo marxaladdii ugu dambaysay.

Waxa uu sheegay in Boosaaso iyo guud ahaan gobolka Bari nabad yihiin lagana gudbey xilliyadii shacabka lagu cabsi gelin jirin, lana joogo waqtigii kor loo hadli lahaa shacabkuna ka soo muuqan lahaayeen hareeraha ciidankooda.

“Shacabku waa inay la wadaagaan hay’adaha amniga cid walba oo dalkooda waxyeelaynaysa waxaan balan qaadaynaa inaan xogtooda u ilaalino cadawgana kaga qabanayno, maanta ma ahan waagii dadka lagu cabsi gelin jirey waxbaa lagu yeelayaa bulshadana waxaa laga rabaa inay dhiiradaan”, Ayuu yiri taliyaha qaybta booliska gobolka Bari.