Xukuumadda Puntland ayaa shaacisay in mas’uuliyadi ka saaran tahay wax ka qabashada colaaddii ka dhacday deegaanka…

Xukuumadda Puntland ayaa shaacisay in mas’uuliyadi ka saaran tahay wax ka qabashada colaaddii ka dhacday deegaanka Adhi-cadeeye ee gobolka Sool, oo sababtay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Wasiiru dowlaha Warfaafinta Puntland Najiib Barkhadle Warsame oo laga soo xusho gobolka Sool ayaa ugu horayn tacsi u diray qoysaska iyo ehellada dadkii ku geeriyooday dagaalladaasi, isaga oo Alle uga baryay caafimaad degdeg ah dadka ku dhaawacmay colaadda.
“Waxaa gobolka Sool oo dastuuriyan ka tirsan Puntland ka dhacday shaqaaqo dhimasho iyo dhaawac sababtay, waan ka tacsiyeeynayaa, waxaan sidoo kale goleyaasha dowladda iyo kuwa dhaqanka ee bulshada ku baraarujinayaa howshaasi waa mid aad iyo aad dadka u taabanaysa, waajibaadna inaga saaran yahay sidii aan uga howlgeli lahayn,” ayuu yiri Wasiir Najiib Barkhadle.
Wasiirka ayaa ugu baaqay Hay’adaha dowladda, isimada dhaqanka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada inay si wadajir ah uga shaqeeyaan nabadeynta deegaanka iyo joojinta colaadaha, si looga hortago khasaarooyin hor leh oo soo gaara shacabka ku nool gobolka Sool.




