Xukuumadda Puntland ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay si adag ugaga hadashay xaaladda Siyaasadeed ee dalka, waxaana…

Xukuumadda Puntland ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay si adag ugaga hadashay xaaladda Siyaasadeed ee dalka, waxaana lagu caddeeyey in dalku galay firaaq dastuuri ah iyo qalalaase siyaasadeed.
HOOS KA AKHRISO
Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland wuxuu caddeynayaa in si waafaqsan Dastuurka kumeel gaarka ah ee Federaalka Soomaaliya qodobkiisa 60-aad uu 14-kii April 2026 dhammaaday muddo xileedkii dastuuriga ahaa ee Golaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Muddo xileedka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ayaa sidoo kale ku eg 15-ka May 2026 sida ku cad qodobka 91-aad ee Dastuurka Federaalka ee kumeel gaarka ah.
Hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wajahaya xaalad hubanti la’aan dastuur ah, Dalka ayaana qarka u saaran burbur siyaasadeed iyo qalalaase amni.
Sida darteed, Dowladda Puntland waxay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ugu baaqaysaa in uu badbaadiyo jiritaanka midnimada iyo wadajirka Ummadda Soomaaliyeed, una qabto shir degdeg ah, ka hor inta aan muddo xileedkiisu dhammaan, si xal wada oggol ah looga gaaro doorashooyinka hay’adaha Federaalka Dalka ee Baarlamaanka iyo Madaxweynaha iyo kuwa Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah.




