Xukuumadda Puntland ayaa walaac xooggan ka muujisay xaaladda siyaasadeed ee ay wajahayso, waxaana ay ku eedaysay…

Xukuumadda Puntland ayaa walaac xooggan ka muujisay xaaladda siyaasadeed ee ay wajahayso, waxaana ay ku eedaysay hoggaanka DFS inay burburin iyo kala qaybin kuwadaan cidkasta oo lexejeclo ka lahayd dalka.
“Dowladda Puntland waxay cambaareynaysaa siyaasadda guracan ee Madaxweynaha JFS uu ku faragalinayo, kuna kala qaybinayo hay’adaha dastuuriga ah, iyo Ururada u midoobay toosinta siyaasadda Dowladda Federaalka. Dhaqanka faragalinta iyo kala qaybinta hay’adaha dastuuriga ah iyo Ururada siyaasadeed ayaa ku saleysan xiniftan iyo rabitaan masaaliix shaqsi ah oo ay Soomaaliya horey u soo martay, una horseeday burbur siyaasadeed iyo mid amni.”
War-saxaafadeedka ayaa intaas ku daray,“Dowladda Puntland waxay ayidaysaa war saxaafadeedkii ay Maantay soo saareen Madasha Samatabixinta, waxayna ku celinaysaa baaqa in Madaxweynaha JFS ee muddo xileedkiisu ku egyahay 15ka May 2026 uu talada Dalka miiska dhigo, dhageystana talooyinka Saamileyda siyaasadeed ee Dalka si loo gaaro heshiis loo dhan yahay oo ay ku qabsoonto doorashada Goleyaasha Baarlamaanka iyo Madaxweynaha JFS si waafaqsan Dastuurka kumeel gaarka ah ee 2012kii.”




