Wasiiru Dowlaha Qorshaynta Puntland Faarax Aw Cismaan ayaa fariin culus u diray Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh…

Wasiiru Dowlaha Qorshaynta Puntland Faarax Aw Cismaan ayaa fariin culus u diray Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud isagoo ku eedeeyay inuu ka shaqeynayo burburinta Puntland iyo hurinta colaado gudaha ka dhaca.
Faarax Aw Cismaan ayaa sheegay in hadalkii madaxweynaha ee ahaa “Soomaali heshiis ah dunidana heshiis la ah” uusan dhab ka ahayn balse uu Madaxweynahu sababay dagaallo ka dhacay gudaha maamulada Puntland iyo Jubbaland.
“Madaxweyne Xasan Sheekh waa lagaala xisaabtamayaa dhiigga ku daatay Raas-Kambooni iyo Dhahar, Dhibic kasta oo daadatay adiga ayaa masuul ka ah,” ayuu yidhi Wasiirku.
Wasiir Faarax ayaa nasiib darro ku tilmaamay in xildhibaanadii iyo siyaasiyiintii Puntland ku metelayay dowladda federaalka ay maanta qayb ka noqdeen burburinta Puntland iyo in hub la iskugu dhiibo, isagoo ku eedeeyay inay u horseedeen colaado ka dhacay gobolka Sanaag.
Sidoo kale wuxuu ku dhaliilay inay ka tageen masuuliyaddii ka saarnayd difaaca xuquuqda Puntland ee ku maqan dowladda federaalka, taasoo sababtay in isla xisaabtankii meesha ka baxo.
“Waxaan ka xumahay Dadkii aan u dirsanay Xamar oo ahayd inay difaacaan danta Puntland oo ahayd inay ka shaqeeyaan midnimada Soomaaliyeed maanta inay ka shaqaynayaan kala qaybinta Puntland inay qori dab leh la dhex wareegayaan Soomaalida.” ayuu raaciyay hadalkiisa.
Hadalkan ayuu Wasiirku ka jeediyay munaasabad lagu xusayey 1-da Agoosto, oo ay soo qaban qaabiyeen jaaliyadda Puntland ee ku dhaqan dalka Maraykanka.



