Saraakiil katirsan laamaha ammaanka Puntland ayaa shaaca ka qaaday inay jiraan ciidamo dowladeed oo magaalooyinka soo…

Saraakiil katirsan laamaha ammaanka Puntland ayaa shaaca ka qaaday inay jiraan ciidamo dowladeed oo magaalooyinka soo geliya Khamriga iyo waxyaabaha kale ee maanka dooriya.
Taliye ku-xigeenka qaybta booliska gobolka Nugaal Gaashaanle dhexe Maxamuud Muuse Bile (Fardafuul) oo faahfaahin ka bixiyay cidda khamriga soo galisa magaalada Garoowe ayaa xaqiijiyay in ciidamo ka tirsan Puntland ay ka ganacsadaan maandooriyahaan halista ah.
Waxa uu beeniyey in ciidanka Booliska ku lug lee yihiin soo gelinta Khamriga ee caasimadda Garoowe, balse wuxu xaqiijiyay in ay jiraan ciidamo ka tirsan Daraawiishta Puntland oo ka ganacsada ama iibiya Khamriga, sida uu hadalka u dhigay.
“Khamriga waxa soo galiya waa ciidamo warkaasi waa xaqiiq, waa ciidan dowladeed oo ka ganacsada oo iibiya oo qoryo sita, balse maaha ciidanka Booliska intaasi in aan idin caddeeyaan rabaa, waxa khamriga soo galiyaa waa ciidan ka tirsan Daraawiishta” ayuu yiri Taliye Maxamuud Muuse Bile (Fardafuul).




