Ciidanka ammaanka Puntland ayaa ku guulaystey inay gacanta ku soo dhigaan Sharmaake Xuseen Yuusuf, oo ah…

Ciidanka ammaanka Puntland ayaa ku guulaystey inay gacanta ku soo dhigaan Sharmaake Xuseen Yuusuf, oo ah 31 jir ku eedaysan inuu laba gabdhood oo aan qaan-gaarin kufsi ugu geystey Magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.
Hogaanka guud ee baarista dabiyadda (CID Puntland) Axmed Cumar Cabdi ayaa waraysi uu bixiyey ku shaaciyey in qabashada eedaysanaha lagu guuleystey ayna ku wareejin doonaan gacanta laamaha garsoorka.
“Hawlgal wadajir ah oo ay qaadeen laanta dambi baarista iyo ciidanka booliska dowladda Puntland waxaa Alle ku guuleeyey in gacanta lagu soo dhigo eedaysanihii ka dambeeyey falkii kufsiga ahaa ee loo geystey gabdhaha yaryar ee aan qaan-gaarin, isagana waxaan ku simaynaa laamaha caddaaladda oo waajibkooda ka gudan doona”, Sidaas waxaa yiri Hogaanka guud ee baarista dabiyadda (CID Puntland) Axmed Cumar Cabdi.
Dhanka kalena, hoggaanka ayaa sheegay inay jiraan hay’ado iyo shaqsiyaad ku hawlan buunbuuninta iyo dhaqaale abuuris laga sameeyo kiisaska noocaan oo kale ah, iyadoo lagu carqaladaynayo shaqada hay’adaha dowladda.
“Dad waxaa jira diinteenna duulaan ku ah, in dadkii lagu fasahaadiyo oo lagu duro ayaa waxaa ka shaqaynaya shaqsiyaad la siiyey xoogaa sandareerto ah, waxaanu daba-joognaa NGO’s iyo shaqsiyaad arrimahaas ku lug leh, qofbaa wax loo geysanayaa isagoo aan laamaha amniga soo gaarin ayaa waxaa la marinayaa NGO’s si lacag loo siiyo”, Ayuu yiri Hogaanka guud ee baarista dabiyadda (CID Puntland) Axmed Cumar Cabdi.