Saraakiisha ciidamada difaaca Puntland ee ku sugan buuraleeyda Cal-miskaad ayaa sheegay inay dagaal kujiraan ajaaniib ka…

Saraakiisha ciidamada difaaca Puntland ee ku sugan buuraleeyda Cal-miskaad ayaa sheegay inay dagaal kujiraan ajaaniib ka soo duushey 18 dal oo caalamka kamid ah, ayna guulo muhiim ah ka gaareen.
Corneal Ciise Yulux oo kamid ah hoggaanka ciidanka Puntland deegaan ahaanna ka soo jeeda Cal-miskaad ayaa warbaahinta u sheegay in Daacish aysan lahayn awood ay ciidanka kula dagaalanto ayna soo afmeeri doonaan dhagartooda.
“Muddadii aannu jidka ku soo jirney dhul badan baannu Daacish isku soo aragnay dagaalkooda iyo dhagartooda waannu aragnay, waxaa sababay in magaala madaxdoodii (Sheebaab) ay ka baxaan waa inay u adkaysan waayeen ciidamada Puntland”, Corneal Ciise Yulux.
Dhanka kalena, Ciise Yulux waxa uu sheegay in dhammaan bulshooyinkii deegaamada ciidamadu gaareen ay horay uga qixiyeen Daacish aysanna cidklae ku noolayn dagaalka kahor, sida uu hadalka u dhigay.
“Shacabkii waa qixiyeen, duur joogtii waa dhammeeyeen xitaa diinkii iyo shimbirihii waa qasheen, Soomaalidisu waxay tiraahdaa ammaano kugu raagtey mulkigaabaa mooddaa laakiin waa u noqon waysay”, Sidaasi waxaa yiri Ciise Yulux.