Puntland oo sheegtay inaysan DFS buuxin karin doorka Shirarka Caalamiga ah inay ku metesho.

Wasiirka Deegaanka Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Faroole ayaa sheegay in Puntland si madax bannaan uga qayb gashay…

10 September, 2025

Wasiirka Deegaanka Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Faroole ayaa sheegay in Puntland si madax bannaan uga qayb gashay shirka isbedelka cimilada Afrika oo lagu qabtay magaalada Addis Ababa, isagoo xusay in aysan jirin awood buuxda oo Dowladda Federaalka u leedahay matalaadda shirarka caalamiga ah ee noocan oo kale ah.

Wasiir Maxamed Faroole ayaa sheegay in wafdiga Puntland oo ka koobnaa wasiiro iyo agaasimayaal ay saddexdii maalmood ee uu socday shirka ka jeediyeen warbixino la xiriira saamaynta isbedelka cimilada ku leeyahay deegaanada Puntland iyo dadaallada ay maamulku wado si looga hortago waxyeellada deegaanka.

Shirkan ayaa waxaa sidoo kale ka qayb galay wafdi ka socday Dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu hoggaaminayey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud kaas oo khudbad furitaan ah ka jeediyey shirka kana hadlay xaaladda guud ee cimilada Soomaaliya.

Tan iyo markii uu go’ay xiriirka labada dhinac Puntland waxa ay si iskeed ah uga qaybgashay shirar caalami ah iyadoo sheegtay inaysan ku qanacsanayn matalaadda Dowladda Federaalka gaar ahaan arrimaha u baahan joogitaanka Puntland.

Wafdiga Puntland ee shirkan ka qayb galay waxaa hogaaminayey Wasiirka Deegaanka, waxaana la socday Wasiirka Beeraha Puntland iyo Agaasimaha Madaxtooyada kuwaasoo matalayey maamul goboleedka Puntland iyadoo ujeedadu ahayd in si cad looga hadlo saamaynta deegaanka ee isbedelka cimilada.