Puntland oo sheegtay inaysan kajirin astaan cibaado saldhigyadii Daacish.

12 February, 2025

Xukuumadda Puntland ayaa sheegtay in kooxda argagixisada ah ee Daacish aysan wax sal iyo raad ah…

Xukuumadda Puntland ayaa sheegtay in kooxda argagixisada ah ee Daacish aysan wax sal iyo raad ah ku lahayn Muslinnimo iyo faafinta diinta Islaamka, xilli ay ciidamada Puntland kula dagaalamayaan magaalada Boosaaso.

Wasiirka wasaaradda warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir, ayaa xusay in Daacish aysan tukan isla markaana dhammaan goobihii laga qabsaday aysan kajirin raadadka goobo cibaad iyo sujaayado cibaado, ayna taasi daliil u tahay inaysan tukan salaadda Alle.

“Waxaa Cajiib ah in ilaa hadda saldhig kasta oo laga kiciyey kooxda Khawaarijta Daacish aan lagu arag wax salli salaadeed aha, ama goob u sumadaysan in lagu cibaadaysto taasi bedelkeedana waxaa lagu arkay googarado badan oo isku xiran”, Ayuu yiri wasiir Dirir.