Puntland oo sheegtay inaysan Somalia ka jirin dowlad sharciyad haysta.

16 May, 2026

Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa ka qayb-galay munaasabad ballaaran oo lagu xusayay 15-ka…

Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa ka qayb-galay munaasabad ballaaran oo lagu xusayay 15-ka May oo ku beegan maalinta dhallinyaradda Soomaaliyeed oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Dhalinyarada Ciyaaraha Dowladda Puntland.

Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland oo munaasabadda ka hadlay,ayaa hambalyo u diray dhammaan dhalinyarada Soomaaliyeed, waxaana uu bogaadiyay kaalinta ay kaga jiraan horumarinta bulshada, hal-abuurka iyo difaaca dalka.

Madaxweyne Lugatoor oo ka hadlayey xaaladda Somalia ayaa sheegay inaysan dalka kajirin dowlad sharci haysata,”Soomaaliya maanta ma joogto dowlad sharciyad haysata.”