Puntland oo sheegtay inuu hoos u dhacay dhaqaalihii ku bixijirey adeegyada caafimaadka.

22 April, 2025

Xukuumadda Puntland ayaa walaac xooggan ka muujisay hoos u dhaca ku yimid dhaqaalihii caalamku ku kabijirey…

Xukuumadda Puntland ayaa walaac xooggan ka muujisay hoos u dhaca ku yimid dhaqaalihii caalamku ku kabijirey horumarinta adeegyada caafimaadka ee deegaamada Puntland.

Wasiirka wasaaradda caafimaadka Puntland Dr Siciid Jaamac Qoorsheel ayaa sheegay in dhaqaalihii lagu bixin jirey caafimaadka Puntland uu hoos u dhacay boqolkiiba 65%, taasina ay sababtay in la waayo adeegyada qaar.

Wasiirka ayaa ugu baaqay khuburada arrimaha caafimaadka iyo cilmibaarista inay keenaan xal kama dambays ah oo lagu buuxinayo kabka dhaqaale ee maqan, si adeegyada caafimaadka loo gaarsiiyo goobaha u baahan.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ayaa shalay Garoowe ka furay shirweyne looga arrinsanayo maalgashiga adeegyada caafimaad ee Puntland, kadib markii ay kordheen cabashooyinka baahiyaha caafimaadka oo Puntland looga aado dalka dibaddiisa.