Puntland oo shuruud ku xirtay soo celinta xiriirka DFS.

27 April, 2025

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka hadlay khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya xukuumaddiisa iyo…

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka hadlay khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya xukuumaddiisa iyo madaxda ugu sarraysa dowladda Federalka ah ee Soomaaliya, xilli ay Soomaaliya ku sugan tahay marxalad xasaasi ah.

Madaxweyne Deni ayaa caddeeyey in xukuumaddiisu diyaar u tahay la shaqaynta DFS, haddii ay meesha ka saaraan waxyaabihii keenay khilaafka siyaasadeed iyo baalmarid uu sheegay in lagu sameeyey dastuurka kumeel gaarka ah ee Soomaaliya.

“Baaqayga ugu muhiimsan waxa weeye Puntland waxay diyaar u tahay dowlad Soomaaliyeed oo ku dhisan sharci, ixtiraamaysa dastuurka oo aan koox iyo dad gaar ah u adeegayn”, Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.

Dhanka kalena, Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa caddeeyey inaysan ka laaban doonin mawqifkii Puntland xiriirka wadashaqaynta ugu jartay DFS 2023,”Waan ku celcelinaynaa baaqeenu waa midkii hore, mawqifkeenu wuxuu isbedeli karaa wixii aan ku qaadanay markuu isbedelo, mawqifkeenu waa midkii aan qaadanay 31 bishii 3aad 2023 oo ku saabsanaa inaan ka shaqayno daneheena, waxa kaliya ee aan kaga gudbi karnaa waa in wixii aan qoonsatay oo maanta Soomaali oo dhan nooga garawday laga soo noqdo oo dastuurku noqdo axdigii Imbigaati iyo dastuurkii Muqdisho lagu ansixiyey 2012 wixii lagu daraayana noqdaan mid loo dhan yahay”.