Puntland oo shuruudo ku xirtay dadka ka dhoofaya garoomadeeda.

Xukuumadda Puntland ayaa shuruudo adag hor-dhigtay dadka ka dhoofaya garoomadeeda da’dooduna ka yartahay 40-ka sano, kaddib…

29 November, 2025

Xukuumadda Puntland ayaa shuruudo adag hor-dhigtay dadka ka dhoofaya garoomadeeda da’dooduna ka yartahay 40-ka sano, kaddib markii ay kordheen dhalinyarada hanaanka farsamaysan uga dhoofaya garoomada Puntland.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor oo ka hadlayey arrinkaan ayaa sheegay in qof ka yar 40 sano oo waalidkiis damiin ka ahayn ka bixi karin guud ahaan garoomada diyaaradaha Puntland.

Dhanka kalena, Madaxweynah ayaa xusay in qofkii kayar 40 sano oo waalidkiis damiin ka ahayn uusan qaadan karin baasaboorka Soomaaliga, wuxuuna intaas ku daray in amaradan la faray dhammaan hay’adaha ay quseyso ee socdaalka.