Xukuumadda Puntland ayaa shuruudo ku xirtay ka qaybgalka shirka gogosha siyaasadeed ee ay dhigtay Villa Somalia,…

Xukuumadda Puntland ayaa shuruudo ku xirtay ka qaybgalka shirka gogosha siyaasadeed ee ay dhigtay Villa Somalia, kadib cadaadis uga yimid wakiilada beesha caalamka ee fadhigoodu yahay Muqdisho.
Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda Puntland, Maxamed Cabdiwahaab oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook ayaa shaaciyay in aysan Puntland qeyb ka noqon doonin gogosha uu dhigay Madaxweyne Xasan Sheekh inta uu ka maqan yahay Madaxweynaha Jubbaland oo dib xafiiska loogu doortay.
Dhanka kalena Wasiirka ayaa ugu baaqay Villa Somalia inay dib ugu soo laabato dhab ka hadalka isla markaana la keeno dastuurkii kumeel gaarka ahaa ee umadda Soomaaliyeed ku heshiisey Agoosto 2012.
“Maanta cid idin la fariisaneysa ma jirto illaa aad ku soo noqotaan xayndaabka sharciga iyo dastuurkii dalka ee dadka Somaliyeed ku heshiiyey Aug, 2012 sidoo kalena aad aqbashaan doorashadii dadka Jubbaland qabsadeen, duulaanka JL & PL aad joojisaan” ayuu yiri Maxamed Cabdiwahaab.