Puntland oo shuruurd ku xirtay ka qaybgalka shirka Muqdisho.

9 May, 2026

Xukuumadda Puntland ayaa shaaca ka qaaday inay 2022 ka dadkeeda u sheegtay waxa ka soo socda…

Xukuumadda Puntland ayaa shaaca ka qaaday inay 2022 ka dadkeeda u sheegtay waxa ka soo socda Muqdisho, iyadoo shuruud ku xirtay kulamada uu gogoshooda dhigay magaalada Muqdisho ee caasimadda Somalia.

Wasiirka arrimaha gudaha Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab, ayaa sheegay in Puntland ay aragtay waxa ka soo socda Muqdisho, xilligii ay ka soo baxday shirarkii Golaha DFS & dowlad goboleedyada dalka.

“Shirka aad kujirtid oo dadka la geylaysid haddii aqlibiyadda ama codka badan lagaa yeesho laakiin aad ujeediyey waxa la dhigayo qalad inay tahay inaad dadkaaga iyo dalkaaga dib ugu noqotid waa sax, Puntland wixii ay arkaysay maanta ayey ka muuqataa Somalia”, Ayuu yiri Wasiir Qarjab.

Dhanka kalena, Wasiirka ayaa muujiyey sida ay muhiim u tahay in beesha caalamku goob joog ka noqoto kulamada Soomaalida oo dhexdooda ku heshiin waayey arrimaha siyaasadda, “Waa in cid kale oo ina dhex fariisata Caalamka ka timaadaa markaan wada hadlayno.”