Puntland oo si adag uga jawaabtay dalabkii MW Xasan Sheekh ee siidaynta Maxaabiista.

1 October, 2025

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Garoowe ayaa si…

Puntland State House

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Garoowe ayaa si adag uga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, arrimaha ammaanka iyo arrimo kale.

Wasiirka ayaa ugu horrayn sheegay in xaaladda siyaasadeed ee dalku ay meel adag marayso isla markaana Villa Somalia ay ku adkaysanayso tubtii kala duwanaanshaha siyaasadda xilli muddo kooban u dhimman tahay hay’adaha dowladda.

Dhanka kalena, Wasiirka ayaa si adag uga jawaabay dalabkii Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ee ku aaddanaa siidaynta maxaabiista ku xiran Laascaanood iyadoo lagu darayo gabdho si ay u noqdaan ambaasadoorada nabadda.

“Xasan Waxyeello maahee waxtar uma geysan, iyadoo boqolaal qof la dilayo ayuu UN-ka tegey oo uusan ka hadlin, waana u qareemi waayey dadka korontadii laga jaray, khadkii laga jaray, oo la laynayey, wuxuuna diidey in dembiyo dagaal loo diiwaangeliyo saraakiishii iyo madaxdii maamulka Somaliland, saraakiisha Faysal kujiro afkiisaa laga hayaa Laascaanood waa duminaynaa dadkana waa laynaynaa, Muuse iyo wasiirkiisii arrimaha gudaha waa dambiilayaal laakiin askarta amar qaadataasha ah waa laga wada hadli karaa haddii Somaliland Mabaa’diideeda ka tanaasusho”, Ayuu yiri Wasiir Caydiid.