Puntland oo si adag uga jawaabtay eedeynta DFS ee Garoonka Boosaaso.

6 November, 2025

War Qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland ayaa si kulul uga jawaabay…

Puntland State

War Qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland ayaa si kulul uga jawaabay eedeymo ay Dowladda Federaalka Soomaaliya u jeedisay Puntland, kuwaas oo la xiriira in garoonka Boosaaso looga duulayo dagaalka ka socda dalka Sudan. Puntland ayaa sheegtay in eedeymahaasi yihiin dacaayad iyo been abuur aan sal lahayn, islamarkaana lagu dhaawacayo sumcadda iyo guulaha ay gaartay dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Dowladda Federaalka oo ay muddo xileedkeedii ka dhiman yihiin bilo kooban, ay ka weecatay shaqooyinkii ay bulshada Soomaaliyeed ka sugaysay, isla markaana ay waqtigeeda ku bixisay dacaayado iyo kicinta khilaafaad siyaasadeed oo aan loo baahnayn. Puntland ayaa cambaareysay dhaqankaas, iyadoo sheegtay inuu yahay mid wiiqaya wada-shaqaynta dawladaha dalka.

Puntland waxay caddeysay inaanay jirin wax ciidan ama duulaan ah oo ka baxsan awoodaha sharci ee ciidamada Puntland, islamarkaana aysan jirin wax heshiis amni ah oo ay la wadaagto Dowladda Federaalka. Maamulka ayaa ku eedeeyay xukuumadda Muqdisho inay si qarsoodi ah uga qorayso maleeshiyaad gudaha Puntland, taas oo ay ku tilmaamtay tallaabo khatar ku ah nabadda iyo amniga gobolka.

Warsaxaafadeedka ayaa sidoo kale xusay in Puntland ay walaalnimo iyo xiriir wanaagsan la leedahay dalka Sudan, ayna ka xun tahay dagaalka sokeeye ee halkaas ka socda, iyadoo u rajeysay shacabka Sudan nabad iyo xasillooni degdeg ah. Puntland ayaa sheegtay in ay sii wadi doonto dadaallada amni ee ay kaga hortagayso kooxaha argagixisada ee ka howlgala buuraha Cal-Miskaad ee gobolka Bari.

Ugu dambeyn, Puntland ayaa u mahadcelisay saaxiibadeeda caalamiga ah oo ay ka mid yihiin Mareykanka, Imaaraadka, Itoobiya, Kenya, iyo Boqortooyada Ingiriiska, kuwaas oo gacan weyn ka siiyay dagaalka ay Puntland kula jirto argagixisada. Dowladda Puntland ayaa sheegtay in taageeradaasi ay muhiim u tahay guulaha amni ee la gaaray, isla markaana ay sii xoojin doonto iskaashigaas si loo sugo xasilloonida gobolka.