Puntland oo si rasmi ah ula wareegtey xukumane Sayloor.

10 May, 2025

Maamulka gobolka Mudug ee Puntland ayaa uga mahadceliyey laamaha ammaanka ee Galmudug sida ay gacantooda ugu…

Maamulka gobolka Mudug ee Puntland ayaa uga mahadceliyey laamaha ammaanka ee Galmudug sida ay gacantooda ugu soo simeen Cabdiqani Sayloor oo dil toogasho ah ku xukuman horayna uga baxday gacanta laamaha ammaanka.

Mahadcelin iyo Bogaadin ku Socota Ciidamada Ammaanka Gobolka Mudug Galmudug, iyo Puntland oo ay ugu horeeyaan talisyada qabaha Booliska heer gobol iyo Taliska guud ee police ka puntland.

Waxaan ugu mahadcelinayaa dhammaan saraakiisha iyo ciidanka laamaha amniga gobolka Mudug Galmudug iyo Puntland, kuwaas oo si hufan oo hal-adayg leh uga shaqeeya sugidda nabadgelyada iyo ladagaallanka argagixisada, taasoo sahashay Howlgalka maanta lagu soo qabtay Cabdiqani (Sayloor) oo kamid ahaa xubnihii Shabaab ee dilka ku xukunnaa kana baxsaday xabsiga Cirka ee Gaalkacyo.

Soo qabashada gacan ku dhiiglaha ayaa markale muujinaysa sida ay u adag tahay iskaashiga Puntland iyo Galmudug ee la dagaalanka kooxaha argagixisada, waxaana si gaar ah ugu mahadcelinayaa ciidamada Galmudug ee gacanta ku dhigay.

Iskaashiga xooggan ee Puntland iyo Galmudug ayaa horseeday guulo muhiim ah oo lagu xaqiijiyay nabadda gobolka, Waxaana mar labaad cadaynayaa in cid walba oo dhibaato ku ah bulshada aan laga aqbali doonin, isla markaana ay ka go’an tahay dowladda Puntland in la soo qabto dhagarqabayaasha caadaystay daadinta dhiigga umadda Soomaaliyeed.