Puntland oo sii deysay Markabkii Sea World ka dib kulankii Safiirka Turkiga iyo Deni.

4 August, 2025

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta qaabilay wafdi ka socda Dowladda Turkiga oo…

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta qaabilay wafdi ka socda Dowladda Turkiga oo uu hoggaaminayo Safiirka Turkiga ee Soomaaliya Alper Aktaş.

Safarka Waftiga Dowladda Turkiga ayaa daba socday xiriir muddo u dhexeeyey Dowladda Puntland iyo Turkiga oo la xariira Markabka MV Sea World iyo shixnadda saaran, iyadoo Dowladda Turkiga ay la wadaagtay Dowladda Puntland cadeymaha in ay leeyihiin dhammaan hantida saaran.

Dowladda Puntland oo ka duulaysa cadeymaha ay soo gudbisay Dowladda Turkiga iyo baaritaankii lagu sameeyay Markabka iyo Shixnada uu sido , ayaa go’aansatay in masuuliyada Markabka MV Sea World iyo hantida saaranba lagu wareejiyo Dowladda Turkiga.

Markabkan ayaa bartamhii bishii hore laga qabtay xeebaha Puntland gaar ahaan gobolka Raascasayr, waxaana ciidamada badda Puntland ku soo xireen dekeda Boosaaso.

Siyaabo kala duwan ayaa markii hore looga hadlay walow aan ilaa wakhtigaas si dhab loo cadayn, waxaa jiray wadahadalo hoose dhexmarayey Puntland iyo Turkiga maadaama hubkan iyo gaadiidka saarnaba ay sheegatay safaarada Turkiga Soomaaliya.